U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Mareerey Oo Dhaliil u Jeediyay dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Mareereey ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa dowladda ku eedeeyay inay wax ka og tahay dhibaatooyin ka taagan gobalkaasi oo xagga amniga ah.

Guddoomiyaha deegaankaasi Sayid Mayow Maaseey ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News, waxa uu sheegay in weli ay dhibaato ku qabaan dadka shacabka ah xiritaanka waddooyin kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ku wargaliyeen isbaarooyinkani islamarkaana aysan weli waxba ka qaban.

“Annaga dowladda dhexe waan ku wargelinay Isbaarooyinkaan shacabka lagu dhibayo, illaa hadda waxba lagama qaban, waxaanba u maleynayaa in dowladda ay wax kala socoto waxaan dhacaya” ayuu yiri gudoomiyaha

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Mayow ayaa sheegay in shacabka ay dhibaato xooggan ku qabaan iibsiga maciishadda maadaama ay sare u kacday kadib markii deegaannada qaar ay gaari waayeen gaadiidka xaamuulka ah ee sida kuwa wada shixnadaha ganacsiga.

Goobjoog News