U bood dhigaalka

Maamulka Xeraale oo dad u soo qab-qabtay xaalufinta dhirta

Sheeko:Dalka

Ciidamada amniga deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa soo qab-qabtay ilaa 10 dhalinyaro ah oo faraha kula jiray  jarista dhirta deegaankaasi.

Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee deegaanka Xeraale Maxamed Cali Maxamed Cali ayaa Goob Joog FM u sheegay in ciidamadu ay sii wadayaan la dagaalanka kooxaha  ku kaca jarista dhirta  ee deegaanada  Galgaduud.

Dhowr jeer oo hore ayaa deegaano hoos taga  gobolka Galgaduud laga soo qab-qabtay dad lagu eedeeyay in ay jarista dhirta ka wadaan deegaanada gobolka Galgaduud.

Maxamed Cali Maxamed Cali ayaa sidoo kale digniin u jeediyay  dadka ku howlan baabi’inta iyo xaalufinta dhirta deegaanka, waxa uuna ugu baaqay bulshada ku dhaqan halkaasi  in ay dhowraan  deegaanka.