U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Aadan Yabaal Oo Beeniyey In Al-shabaab La Wareegeen Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM faarujiyeen degmadaasi islamarkaana halkaasi ay qabsadeen Al-shabaab.

Maxamuud Sheekh Xasan oo ah guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay hadal maanta kasoo yeeray Al-shabaab oo ah inay la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi, sidoo kalena ciidanka Itoobiya ka baxeen deegaanka Mubaax ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kuwaa oo halkaasi yimid horraantii Sanadkan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in isaga uu ku sugan yahay xilligan degmada Aadan Yabaal, islamarkaana shacabka u sheegayo in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

“Waa waxbo kama jiraan, Al-shabaab ayaa soo abaabulay warkaasi, annaga been idiin ma sheegayno waadna imaan kartaan, Ciidamada Itoobiya waxay joogaan weli deegaanka Mubaax, ciidanka dowladdana waxa uu joogaa degmada, hadda aan kula hadlay degmada Aadan Yabaal bartamaheeda ayaan joogaa, nimankaan inay hadalkaan sheegaan horay ayaa loogu yaqaanay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Gacanta ku haynta degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha dhexe waxaa maalmihii dambe isku tuur tuurayey ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM iyo Al-shababa oo dhan ah, waxaana hadalkaan kasoo yeeray maamulka degmada Aadan Yabaal noqonayaa midkii Labaad oo sidaan oo kale u beeniyaan in degmadaasi lagala wareegay.

Goobjoog News