U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Aadan Yabaal Oo Beeniyey Inay Ciidanka Dowladda Isaga Baxeen Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Waxaa soo baxayay warar sheegayey in ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay isaga baxeen degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay shalay ka qabsadeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamuud Sheekh Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay wararkaasi, waxaana uu tilmaamay in ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin degmadaasi.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu sheegay in gudaha degmadaasi ku jiraan halka kuwa AMISOM ay magaallada bannaanka ka joogaan.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo annaga oo maamulkii ah ayaa ku sugan degmada Aadan Yabaal, waxaan kuu xaqiijinayaan in degmadaasi aan ka bixin wararkaasina ay been yihiin” ayuu yiri gudoomiyaha.

Shalay abaare Salaadii Subax ee shalay ayaa ciidamada Al-shababa waxay dagaal la’aan uga baxeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana degmadaasi la wareegay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News