U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Bilaabay Furista Wadooyin Ay Biyo Xireen

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay bilaabeen dib u habeyn ku aadan wadooyinka ay jareen biyo, ka dib roob ka da’ay degmadaasi.

Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Afgooye Cumar Maxamed Muuse (Fareey) ayaa sheegay in dhammaan wadooyinka ay biyaha fadhiyaan laga saari doono islamarkaana dib u habeyn lagu sameyn doono.

“Sida aan horay u ballan qaadnay waxaan dib u habeyn ku sameynaynaa wadooyinka ay jareen biyayha, waxaa laga saarayaa marka hore biyaha fadhiya, ka dibna waxaan guda galeynaa dhismahooda” ayuu yiri Fareey

Sidoo kale xoghayaha ayaa sheegay in ay mudadii ay shaqeynayeen ay wax badan oo dhanka nadaafadda ah iyo sidoo kale dib u habeynta wadooyinka ay sameeyeen.

Qaar ka mid ah wadooyinka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, waxaa dhex yaalla biyo wasaqeysan, iyadoo meelaha qaar aysan dadka shacabka ah mari karin.

Goobjoog News