U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Billaabay Dadaallo Looga Hortagayo Fatahaad Uu Sameeyo Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay billaabeen in Qoysaska ku nool hareeraha wabiga inay u qaybiyaan  jawaanno si dadku ay ugu hortagaan biyaha ka soo baxaya Wabiga Shabelle, xilli laga baqayo in fatahaad uu sameeyo.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada Maamulkaas Cabdulaahi Xasan Cabdi oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa Sheegay in weli aanu fatahaad billaabin Wabiga, balse ay dareemayaa culeys ah in Biyuhu ay soo socdaan.

Waxa uu sheegay in hadii Fatahaaddu ay soo gaarto degmada degmada Balcad ee Sh/dehxe, waxa ku xigi doona ay tahay degmada Afgooye, balse ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo lagu xirayo meelaha loo maleynayo in Wabiga uu kasoo fataho kahor fatahaad timaada.

Jawaanada shacabka ay u qeybiyeen ayeey tiro ahaan ku sheegeen 5 kun, kuwaasi oo carro lagu shubayo, ka dibna la dhigayo meelaha biyaha kasoo bixi karaan.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda uu ka jiro cudurka duumada oo dad badan ay la jiifaan, cabsida laga qabana ay tahay in Wabiga hadii uu fataho Cudurka uu sii faafo.

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno ka mid ah gobalada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, xilli ay jirto digniinta El Nino.

Goobjoog News