U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Dad Usoo Qabtay Dilal Ka Dhacay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay gacanta kusoo Saddex qof oo ay tilmaameen inay ka dambeeyeen dilalkii habeen kahor 5 qof shacab ah loogu geystay degmadaasi.

Cabdinaasir Caalin oo ah guddoomiyaha degmadaasi ayaa isaga oo wareysi siinayey Goobjoog News waxa uu sheegay ian howlgallo ay ka sameeyeen duleedka defgadaasi ay kusoo qabteen dadkaasi iyo sidoo kale hub ay wateen.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in sidoo kale ay ku raad joogaan rag kale oo ka tirsan dadkii wax dilay oo haatan ay wadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamadeena sahanka ayaa waxay soo qabteen Saddex ka mid ah raggii dilalka ka geystay degmada Afgooye, waxaa jira kuwo baxsaday waana ku raad joognaa, waxaan kaloo haynaa Lix qori oo nooca Ak-47 ah iyo qori Baasuuke ah” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa sheegay in aano qabiil oo deegaanno kale ka jira la doonayo in loo soo raro degmadaasi, balse aysan ka maamul ahaan taasi u dulqaadan doonin.

Habeen kahor ayaa dabley hubeysan waxay guryahooda ku dileen Shan qof oo mid ka mid ah yahay nabadoon aad looga yaqaanay degmadaasi.

Goobjoog News