U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Go’aan Kasoo Saaray Sii Deganaanshaha Goobaha Danta Guud

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gabi ahaanba aan la deganaan karin goobaha danta guud ee degmadaasi, islamarkaana aan la aqbali doonin in dadkaasi ay sii deganaadaan.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdiqani Yuusuf Axmed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in maamulkooda uu gaaray go’aan ah in gabi ahaanba dadka laga kicin doono goobaha danta guud.

“Dadka leh goobaha danta guud annaga ayaa leh, waxaan u sheegaynaa inay degdeg uga baxaan, hadii ay iibsadeen iyaga ayaa qarashkooda iska geliyay hanti dadweyne, marka baneeya ayaan leeyahay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Cabdiqani Yuusf ayaa meelaha u carabaabay in dadka ay ka kacaan waxaa ka mid ah, kawaanka degmada Afgooye, guryaha dowladda iyo sidoo kale goobihii kubadda cagta lagu ciyaari jiray.

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha hoose ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay wadeyn dib u habeyn ku aadan wadooyinka degmada, waxaana sidoo kale loo digayay dadka deggan goobaha danta guud.

Goobjoog News