U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Laga Dalbaday Wax Ka Qabashada Bur Burka Wado Gasha Isbitaalka Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Isbitaalka degmada Afgooye ayaa ka dalbaday maamulka degmadaasi in ay wax ka qabtaan bur burka wado gasha Isbitaalkaasi, taasi oo dhibaatooyin ku qabaan.

Agaasimaha guud ee Isbitaalkaan Nuur Cumar Mayoow oo ka warbixinayay baahiyaha Isbitaalkaasi ka jira ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday in ay jiraan wadooyin Bur Bursan oo xitaa xilliga roobka adkeynaysa in qof bukaan ah Isbitaalka la keeno.

Waxa uu sheegay sidoo kale in Isbitaalka uusan haysan adeeg Koronto oo ku filan, waxaana uu dalbaday in taasi loogu istaago sidii wax looga qaban lahaa.

“Waxaan kusii soconaa qaab rajo oo Isbitaalka sidaan ka fiicnaan doono, inkastoo hay’ad kaligeed aysan buuxin karin, hadana waxaa jira waxyaabo badan sida wadooyinka oo bur bursan, Korontada, iyo Ambalaas la’aan, dhinaca kale Iskaashi dhanka nabad galyada Isbitaalka ah, maamulka degmada Afgooyana waxaan uga baahannahay in kaalintooda ay qaataan” ayuu yiri Nuur Cumar Mayoow.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa xusay in Hadda hay’adda Qatar ay bixiso daawooyinka iyo sidoo kale Mushaarka Shaqaalaha, balse meesha ay ka maqan tahay kaalinta maamulka.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News