U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Lagu Eedeeyay Bixinta Xarumo Loogu Tala Galay In Dowladdu Ku Shaqeyso (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

AfgoyeMadaxii hore amaanka maamulka degmada Afgooye Mahdi Xasan ayaa ku dhaliilay maamulka degmadaasi in xilligaan ay si sharci darro ah ku bixinayaan dhul dowladda loogu tala galay in ay ku shaqeyso.

Waxa uu sheegay Mahdi in maamulka degmadaasi uu xilligaan sameynayo warqado lagu cadeynayo lahaanshiyaha dhulalkaasi, taas oo uu ka digay waxa ka dhalan karo.

Shacabka ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay ka taxadaraan iibsashada dhulka dowladda, isaga oo tilmaamay in maalin aan maanta ahayn la’isaga hor imaan doono.

“Dhulalkaan la bixinayo waxaa badi leh dowladda, meelaha qaarna dadkii lahaa wey maqan yihiin, dadka ha’isaga noolaadaan, laakiinse in la bixiyo warqado lahaanshiyo ah, dadkana lacag looga qaato taasi waa qalad” ayuu yiri Mahdi Xasan.

Ka sokoow hadalkaan kasoo yeeray Mahdi Xasan, waxa aynu la xiriirnay maamulka degmada Afgooye si aynu wax uga weydiino arintaasi, hase ahaatee waa inoo suurta geli weysay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News