U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Sheegay Inay Baarayaan Nuuca Qarax Shalay Ka Dhacay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan qarax Miino oo shalay ka dhacay magaaladaasi, kaasi oo ay sheegeen in weli aanay si rasmi ah u hayn nooca walxahaasi qarxay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka maamulka degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wararka sheegaya qaraxan inuu ahaa Miino dhulka lagu aasay aanay waxba ka jirin, balse ay jiraan warar is khilaafsan oo kasoo baxaya nooca qaraxaasi.

Mr Mahdi ayaa sheegay in dadka qaar ay u sheegeen in qaraxan uu ahaa waxyaabo la’isku keenay, islamarkaana loo adeegsaday ciidanka ku howlanaa canshuur qaadista.

“Kolley si walbo oo uu ahaado qaraxan annaga waan baareynaa weli ma dhahayno waa Miino meel fog laga soo hagay ama wax la mid ah sababtoo ah dadka qaar waxay kuu sheegayaan in qaraxan uu ahaa Soolaro iyo waxyaabo kale oo la’isku keenay” ayuu yiri Mahdi Xasan.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaa shalay ka dhacay qarax la sheegay inuu ahaa Miino kaasi oo sababay dhaawaca 8 qof oo 6 ka mid ah shacab ahaayeen, halka Labada kale ay ka tirsanaayeen ciidanka dowladda Hoose.

Goobjoog News