U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Wax Ka Qabanaya Nadaafad Darri Ka Jirta Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonaan nadaafad darri ka jirta xaafado ka mid ah degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulkaasi  Cabdullaahi Xasan Cabdi oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in xoog badan ay ku bixin doonaan sidii loo nadiifin lahaa wadooyinka degmadaasi, loona furi lahaa biyo mareenada hadda qashinka ka buuxaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiye ku xigeenka in howshaan ay qabanayaan ay uga golleeyihiin sidii dib loo soo celin lahaa bilicda degmada Afgooye.

“Waxaan rabnaa in la furo biyo mareenada, xaafadahana laga qaado qashinka yaalla, sababta arintaasi keenaysa ayaa ah inaan ka shaqeyno bilicda guud ee degmadaasi” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn ayaa gudoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Afgooye Cabdullaahi Xasan Cabdi ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi in kaalin ay ka qaataan dib usoo celinta bilicda degmada Afgooye iyo sidoo kale la shaqeynta maamulkooda.

Goobjoog News