U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Baladweyne Oo Beeniyay In La Musuqay Raashin Gargaar Oo Dhowaan Magaaladaasi La Geeyay

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan Maxamed Axmed Nuur oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay qeybinta raashin gargaar oo ka soconaya xaafadaha Baladweyne.

Wuxuu sheegay in qeybinta raashinka ay si fiican u socoto oo inta badan xaafadaha magaalada Baladweyne laga qeybiyay.

Guddoomiye xigeenka bulshada Baladweyne Maxamed Axmed Nuur ayaa beeniyay wararka sheegaya in la musuqmaasuqay raashin gargaar oo loogu talagalay dadka ku nool magaalada Baladweyne, oo dhowaan ka soo laabtay fatahaado iyo colaado magaalada isugu darsamay.

“Waxba kama jiraan raashin la musuqayna ma jiro, gargaarkii na soo gaaray qeybintiisa ayaan ka wadnaa xaafadaha Baladweyne xaafaddii u dambeysay ee Howlwadaag ayaana maanta ka qeybinay oo waxaa siinay qoysas fara badan” ayuu yiri madaxa arrimaha bulshada ee degmada Baladweyne.

Dhowaan raashin gargaar oo la gaarsiiyay magaalada Baladweyne ayaa warar soo baxay waxay sheegayeen in raashinkaasi la musuqmaasuqay oo dadkii loogu talagalay aanan la siinin.

Waxaa kaloo uu sheegay in degaanno hoostaga magaalada Baladweyne ay gaarsiiyeen gargaarkaan qeybo kamid ah, wuxuuna qiray in weli ay jiraan dad dan yar ah oo raashinku uusan gaarin.

“Way jiraan cabashooyin dadka ka imaanaya, laakiin waxaan beeninayaa in uusan jirin raashin ay qaateen maamulka gobalka iyo kan degmada oo gargaarkaas kamid ah” ayuu sidoo kale hadalkiisa ku daray guddoomiye xigeenka Baladweyne Maxamed Axmed Nuur.

Ugu dambeyntii guddoomiye xigeenku wuxuu sheegay  in dadka gargaarka la siinayo ay ku jiraan dad Cuuryaamiin ah oo kamid ah dadka danta yar ee ku nool magaalada Baladweyne oo uu tilmaamay in maalinta berrito ah ay bixinayaan.

Goobjoog News