U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Balanbal Oo Baaq u Diray Ahlu-sunna Waljameeca

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balanbale ee gobalka Galgaduud ayaa fariin u diray maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Galgaduud, gaar ahaan garabka kasoo horjeeda maamulka Galmudug.

Hareeri Xasan Barre oo ah gudoomiyaha degmadaasi oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan Ahlu-sunna in wada hadal ay la galaan Galmudug, gaar ahaan garabka Dhuusmareeb iyo Guriceel.

Wada hadal ay la galaan Galmudug ayuu sheegay in lagu heli doono, isku duubni, amni iyo maamul si wanaagsan u shaqeeya.

“Maadaama madaxdii Ahlu-sunna ay wada hadal la gashay Galmudug, waxaan ugu baaqeynaa xubnaha kale ee harsan in wada hadalkaasi ay kaalintooda ka qaataan, si loo helo isbedal buuxa iyo kala dambeyn” ayuu yiri gudoomiyaha.

Garab ka mid ah Ahlu-sunna ayaa maamul uga dhawaaqay gobalka Galgaduud, waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneen maamulka Galmudug ee madaxweynaha ka yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Goobjoog News