U bood dhigaalka

Maamulka degmada Balanballe Oo Sheegay In Caqabado Badan Ay La Kulmaan Booliiska Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balanballe ee gobalka Galgaduud ayaa faah faahin ballaaran ka bixiyay qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada Booliiska ee degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Cabdirisaaq Axmed Xalane oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay soo mareen marxalado kala duwan wixii ka dabeeyay Burburkii dowladii dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda degmada Balanballe ay ka howlgalaan 50 askari oo dhawaan halkaasi geeyay maamulka Galmudug.

Mar uu ka hadlayey gudoomiye ku xigeenka caqabadaha ay la kulmeen ciidanka Booliiska ayuu sheegay in waxyaabo badan ay iska jiraan si walbo oo ay noqotana ciidanka ay u dhabar adeegaan howshooda.

“Mararka qaar caqabado wey la kulmaan ciidanka, laakiinse waxaan idiin sheegayaan in shaqada ay tahay mar walbo mid socota, degamada Saldhiggeedu mar walba waa uu shaqeynayey inkastoo marxalado kala duwan uu soo maray, hadda waxaa shaqeeya 50 askari oo Galmudug keentay” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Balanballe.

Degmada Balanbal oo dhowr jeer ay ka dhaceen dagaallo ayaa hadda ah amni, waxaana degmadaasi gacanta ku haya maamulka Galmudug oo dagaal kaga qabsaday Ahlu-sunna.

Goobjoog News