U bood dhigaalka

Maamulka degmada Balcad oo sheegay in aanu jirin Isbitaal lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxamuud Maxamed Maxamuud oo ah gudoomiyaha degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in xilligaan aanu degmada ka jirin Isbitaalo lagu daryeelo Hooyada iyo Dhallaanka.

Waxa uu tilmaamay in Haweenka Foosha ah loola soo cararo Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho, hadii habeen xanuun qabtana laga yaabo dhibaatooyin in ay la kulanto.

“Hooyada habeenkii hadii ay fool qabato waxaa loola cararayaa isbitaalka SOS ee Muqdisho, waxaana taasi laga yaabaa dhibaato inay keento, maxaa yeelay meel walba Koontarool ayaa yaala, sahalna ma ahan in deg deg Isbitaalka loo gaarsiiyo”

Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in degmada Balcad laga hirgeliyo adeegyo caafimaad oo dhameystiran, sida isbitaal lagu xanaaneeyo hooyada iyo caafimaadka.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News