U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Balcad Oo Wadahadalsiinaya Beello Ku Dagaallada Deegaano Ku Dhow Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in wadahadal ay u fureen beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno ku dhow degmadaasi.

Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Balcad Jeelle Maxaas Jiimbaar oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ay bilaabeen dib u celinta dadkii ka barakacay dagaalladan, sidoo kalena beelaha wadahadalkooda meel wanaagsan uu u marayo.

Wuxuu sheegay in maamulka degmada Balcad ay ciidamo geeyeen Tuulada Jameeca Misre oo dhowaan dagaallo xooggan ay ka dhaceen, islamarkaana dadkii ka baracay Tuuladaasi ay dib u laabteen.

“Maamulka dedaal badan ayuu wadaa, Tuulada Jameeca Misre waxaan geynnay ciidamo ammaanka suga, waxaan bilownay in dadka aan dib ugu celino Tuulada inkastoo iyada oo dhan dab uu qabsaday” ayuu yiri Jeelle.

Tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe waxaa dhowaan ka hacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya Labo beel oo halkaasi wada deggan, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Goobjoog News