U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Bardaale Oo Sheegay In Horumaro Ka Gaareen Adeegyada Bulshada Ee Degmadaasi

Sheeko:Dalka

BardaaleMaamulka Degmada Bardaale ee gobalka Bay ayaa sheegay in sanadkii tagay ee 2014 maamulkooda uu isbedal balaaran ka sameeyay degmadaasi, islamarkaana ay hormaro ka gaareen dhanka adeegyada Bulshada.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Isaaq oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in maamulkooda uu wax badan u qabtay Bulshada ku dhaqan degmada Bardaale, sidoo kalena amniga ay aad u sugeen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmada ay ka fuliyeen adeegyo dhanka nadaafadda ah iyo sidoo kale in shacabka lagu dhiira geliyo in ay wax qabsadaan.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay Gudoomiyaha Bardaale in Sanadkaan cusub ee dhashay ay ku haminayaan in ay wax badan ka qabtaan adeegyada kale ee dhanka Bulshada ah, horumaro badanna laga sameeyo dhanka amniga.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News