U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Baxdo Ee Galgaduud Oo Sheegay In Adeegyo Caafimaad Aanu Ka Jirin Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Baxdo ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in adeegyo caafimaad aanay ka jirin degmadaasi, xilli ay jiraan caruur u geeriyootay xanuunno kala duwan.

Gudoomiyaha deegaankaas Faroole Cali Kheyre oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in isbitaalka degmadaasi aanay yaalli dawooyin dadka lagu daweeyo, iyadoo ay jiraan dad halkaasi ku xanuunsan.

Marar badan ayuu sheegay gudoomiyaha inay gudbiyeen cabsho ku aadan dawo la’aanta, balse weli aanay arag cid wax ka qabata waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xarun caafimaad deegaankaas wey ku taallaa, balse dawo ayaa loo baahan yahay, midda kale dadka meeshaasi kaliya ma kaafin karto, marar badan ayaa baaq dirnay balse wax inoo soo jawaabay malahan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ugu dambeyn gudoomiyaha deegaanka  Baxdo ee Galgaduud ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka ah, gaar ahaan kuwa qaabilsa caafimaadka in gurmad caafimaad ah lasoo gaaraan shacabka dhibban.

Goobjoog News