U bood dhigaalka

Maamulka degmada Buulo burte iyo odayaasha dhaqanka oo ka hadlay qeybinta deeq ka timid Jabuuti

Sheeko:Dalka
Buulo Burde
Buulo Burde

Maamulka degmada Buulo burte iyo odayaasha degmadaasi oo kulan ka yeeshay sida dadka ku nool degmadaasi loogu qeybinayo deeqdii dhowaan la gaarsiiyay halkaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan Axmed Cabdulle Waasuge ayaa kulanka goob joog ka ahaa kaasi oo odayaasha u sheegay in guddi loo saarayo qeybinta deeqda raashinka ah ee la soo gaarsiiyay degmadaasi.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan oo Goobjuoog FM la hadlay ayaa sheegay in kulanka intiisa badan looga arrinsanayay sidii looga hor tagi lahaa in si cadaalad darro ah ay raashin qeybinta u dhacdo isaga oo intaasi raaciyay in odayaasha degmada Buulo burte ay madaxwaynaha dowladda Jabuuti uga mahad celiyeen deeqdaasi.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku baaqday in gagaar la gaarsiiyo degmooyinka ay ka jiraan xaaladaha adag ee nolosha gaar ahaan degmooyinka ay isaga baxeen xarakada Al-shabaab.