U bood dhigaalka

Maamulka degmada Buur Hakaba oo ka hadlay weerar ka dhacay suuqa xoolaha ee degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buur Hakaba ee gobalka Baay ayaa faah faahin ka bixiyay weerar rag ay sheegeen inay ka mid yihiin Al-shabaab ku qaadeen suuqa xoolaha ee degmadaasi.

Xuseen Maxamed Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ragga weerarkaan soo qaaday ay wateen gaari yar, hase ahaatee ay iska cabin kala kulmeen ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Qasaaraa halkaasi ka dhashay ayuu sheegay in qof uu ku dhaawacmay, sidoo kale waxyeelo ay soo gaartay xoolo halkaasi iib ahaan loo keenay.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in halkaasi ay ka carareen ragii weerarka soo qaaday oo watay gaari nooca NOHA loo yaqaano waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab oo lagu eedeeyay weerarkaan ma aanay ka hadlin wax ka jira in ay iyaga yihiin iyo in kale, hase ahaatee xaaladda halkii ay ka dhaceen waa mid aad u degan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News