U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buurhakaba Oo Beeniyay Inay Ku Guul Dareesteen Wax Ka Qabashada Amniga Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Baay ayaa waxba kama jiraan ku sheegay hadal dhawaan kasoo baxay qaar ka mid ah waxgaradka degmadaasi, taasi oo ku aadan in maamulkaasi uu ku fashilmay wax ka qabashada amniga degmada iyo xaaladaha bini’aadannimo ee halkaasi ka taagan.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee degmada Buurhakaba Xuseen Maxamed Cali Maankaalow oo u waramay Goobjoog News, ayaa hadalkaasi ku sheegay war lasoo abaabulay oo been ah, islamarkaana amniga degmadooda uu yahay mid hagaagsan.

“Cabashadaasi waa mid been abuur ah, degmada ammaankeeda aad buu u wanaagsan yahay, waa Odayaasha fadhi ku diriryada fadhiya, howsha maamulka wey kala socotaa, xaaladda guudna waa mid hagaagsan” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale Maankaalow ayaan weydiinnay waxa ka jira in ka maamul ahaan uu ka dhex taagan yahay khilaaf baahsan, islamarkaana ay keentay in ay hakad galo howlihii shaqo ee maamulka.

“Waa been anaga dhan si wadajir ah ayaan ku shaqeyneynaa, mana jirto wax khilaaf ah oo maamulkeena ka dhex taagan, waxaan cadeynayaa in Odayaasha la sheegayo ee hadlay aysan ahayn kuwo nabadda jecel, doonayana in degmada ay qalqal ku beeraan” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Dhawaan ayaa qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Buurhakaba ee gobalka Baay ayaa sheegay in amniga degmadaasi uu faraha ka baxay, sidoo kalena uu khilaaf ka dhex jiro mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Goobjoog News