U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buurhakaba Oo Bilaabay Raadinta Dadkii Ka Dambeeyay Dilka Gudoomiyahii Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

buurMaamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Bakool ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay bilaabeen howlgal balaaran oo ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka gudoomiyahii degmadaasi.

Maxamed Cali Maankaaloow oo ah gudoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada ay ku dhaqaaqeen halkii lagu beegsaday gudoomiyaha, sidoo kalena ay jiraan dad la tuhmayo, islamarkaanka la baadi goobayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ka sugayaan in ay kala shaqeyso soo qabashada dadkii ka dambeyay dilka gudoomiyaha.

“Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaan ka sugaynaa in ay nagala shaqeyso soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilka Gudoomiyaha, sidoo kale wasaaradda ayaa looga fadhiyaa in isbedal deg deg ah ay ku sameeyo maamulka degmada” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka degmada Buur Hakaba.

Dhawaan ayaa waxaa wado u dhaxeysa Leego iyo Buurhakaba lagu dilay gudoomiyaha degmada Buurhakaba, waxaana baxsaday dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.