U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buurhakaba Oo Dowladda Ka Codsaday Gurmad Ciidan Oo Isbaarooyinka Qaada

Sheeko:Dalka

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Baay Xuseen Maxamed Maankaalow oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa ka warbixiyay howlgallo ay halkaasi ka wadeen ciidamada maamulkooda, kuwaasi oo ku aadan qaadista Isbaarooyinka.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in weli aanay ku guuleysan inay wada qaadaan Isbaarooyinka balse ay wadaan dadaallo ah sidii Isbaarada lagu qaadi lahaa.

Maankaalow waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan ciidamo badan oo si awood ah ku qaada Isbaarooyinka yaalla wadooyinka gala degmadaasi, gaar ahaan dhanka gobalka Shabellaha Hoose.

“Annaga intii tabarteena ah howlgalka waan sameynay, waxaan gaarnay natiijooyin badan oo wax ku ool ah, laakiinse meelaha qaar suurta gal ma ahan inaan gaarno waayo awoodeena maba dhama, marka dowladda Federaalka waxaan ka codsaneynaa inay deg deg ciidan noogu soo dirto si isbaarooyinka dhan cagta loo mariyo” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Darawalada Gaadiidka ee ka shaqeeya wadooyinka isku xira gobalada Baay iyo Shabellaha Hoose ayaa aad uga cabasho ka ah inta badan Isbaarooyin ay sheegeen in dhibaato loogu geysto.

Goobjoog News