U bood dhigaalka

Maamulka degmada Caabudwaaq oo sheegay in ay ku guuleysteen xalinta xiisado degmadaasi ka taagnaa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay ku guulaysteen xal ka gaarista xiisado gacan ka hadal ah oo ka tagnaa Degmadaasi.

Hadalkan Waxa Goobjoog FM u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi Khaliif Cabdisamad Cali oo tilmaamay in Degmada ay ka soo kabanayso xiisadahii ka taagnaa.

Khaliif waxa uu tilmaamay in dadaaladan ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmadaasi oo ay ugu horeeyaan waxgaradka.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in ay isku dayi doonaan ka hortagista dhacdo walba oo la mid ah kuwii ay xaliyeen oo kale.

Ugu dambeen ayuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq in ay gacmaha is qabsadaan kana fogaadaan wax walba oo dhibaato keenaya.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Gudoomiye ku xigeenka.

Goobjoog News