U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Cabdicasiis Ee Magaalada Muqdisho Oo Sheegay In Wax Badan Ay Ka Qabteen Adeegyada Bulshada Degmadaasi

Sheeko:Dalka

CabdicasiisMaamulka Degmada Cabdicasii ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in isbedal xoogan ay ku sameeyeen adeegyadii bulshada ee degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee degmadaasi Injineer Maxamuud Cabdulaahi Axmed ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dhawaan ay soo gaba gabeeyeen dayactir lagu sameeyay qaar ka mid ah Iskuulada degmadaasi iyo wadooyin bur bursan oo xaafadaha degmada Cabdicasiis dhexmara.

Waxa uu sheegay in dhawaan ay furi doonaan wadooyin kale oo waaweyn, islamarkaana mudada ay joogeyn ay qabteen howlo badan oo shacabka dan u ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa soo hadal qaaday dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmadaasi, waxaana uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay iyagu il gaar ah ku hayaan oo waxyaabo badan ay gaarsiiyeen, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dadkaasi loo gurmado.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News