U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Cabdicasiis Oo Sheegay In Shacabka u Ciideysanaya Xeebta Liido Loo Diyaariyay Adeegyo Ay Ku Damaashaadaan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay ciidda awgeed u diyaariyeen adeegyo dhowr ah oo loogu tala galay in dadka ay ku damaashaadaan.

Cismaan Muxudiin Cali oo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in maamulka uu ka taxadaray amniga Xeebta Liido, islamarkaana shacabka ay si nabad ah ku damaashaadi doonaan.

“Waxaan sugeynaa amniga guud ee Xeebta Liido, nadaafadii ayaan ka shaqeynay, waxaana bulshada u diyaarineynaa gaadiidkii Gurmadka degdeg ah, waxaan diyaarinay dhammaan wax walba oo loo baahan karo, sida caafimaadkii, waayo dad badan ayaa soo damaashaad tagaya, anagane waxaan ballan qaadeynaa inaan u taagnaano in bulshada noo timaada aan soo dhaweyno” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan adegyo gaar ah oo maamulkooda ugu tala galay in ay ku damaashaadaan shacabka ciideysanaya, si loo dareemo in dadka ay ku sugan yihiin Nabad.

Maalinta Berri ah ayeey ku beegan tahay maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa, waxaana guud ahaan dalka ka socda diyaar garowga soo dhaweynta maalintaasi.

Goobjoog News