U bood dhigaalka

Maamulka degmada Cadale ee Sh/dhexe oo dhaliil u jeediyay Hay’adaha samafalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Cadale ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa dhaliil u jeediyay Hay’adaha samafalka ah, taa oo ku aadan wax ka qabasho la’aanta xaalado ka jira degmadaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Muxyadiin Suudi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ilaa hadda hay’adaha samafalka aanay waxba ka qaba dhibaatooyin haysta qar ka mid ah shacabka degmadaasi.

Shacabka qaar ayuu sheegay in ay haysato xaalad bini’aadanimo, waxaan uu tilmaamay in hay’adaha ay iska dhigo tirayaan wax u qabashada dadkaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Degmada Cadale ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa dhawaan waxaa la waregay ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana muddo halkaasi maamulayay Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay gudoomiyaha degmada Cadale

Goobjoog News