U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Ceelbuur Oo Sheegay In Dagaallo Ay Kula Wareegeen Deegaanno Hoostaga degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaal ay la galeen ciidamada Al-shabaab ay kula wareegeen deegaanno ku dhaw degmadaasi.

Maxamed Cabdi Xasan Biyo Quute oo ah guddoomiyaha degmada Ceelbuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalladaan ay shalay ka billaabeen degmada Ceelbuur, islamarkaana ciidamadana ay gaareen illaa 35 Km deegaanno u jira degmada Ceelbuur, islamarkaana ay iska caabin kala kulmeen ciidanka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha inay dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

“Waxaan ka billawnay howlgal degmada Ceelbuur abaare Labadii Duhurnimo ee shalay, ciidamada hadda waxay tageen illaa 35 Km, dagaallo ayeey la galeen Al-shabaab, waxaan dilnay rag ka mid ah Al-shabaab, Afar ka mid ah meydadkooda annaga ayaa dul tagnay, waxaana howlgalkaasi sameeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, hadda ciidamada waxay ku sugan yihiin Ulajarad, Jiridgub iyo deegaanno kale” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa sheegay in howlgalkaan uu socon doono inta Al-shabaab laga saarayo dhammaan deegaannada hoostaga maamulka Galmudug waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMSIOM ayaa howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab waxay ka wadaan qaar ka mid ah gobollada dalka.

Goobjoog News