U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Dhuusamareeb Oo Shacabka Degmadaasi Ugu Baaqay Ka Shaqeynta Nadaafadda

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi ka shaqeynta nadaafadda maadaama la guda galay xilli roobaadka.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Burhaan Axmed Rooble oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shacabka Dhuusamareeb laga doonayo inay ka shaqeeyaan qaadista iyo uruurinta qashinka.

Meelaha ugu daran ee qashinka isugu yimaado ayuu sheegay inay tahay meelaha biyo dageenka ah, islamarkaana ay haboon tahay in la nadiifiyo si aanay cudurro uga dhalan.

“Maamulka waxa uu wadaa qorshe lagula dagaallamayo qashinka, waxaan rabaa inaan ugu baaqo shacabka degmada Dhuusamareeb inay ka shaqeeyaan nadaafadda, qashinka iska qaadaan, islamarkaana u istaagaan sidii ay nadaafadda gacan xooggan uga geysan lahaayeen” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Xilliyada roobka ayaa inta badan waxaa ka dhashay cudurro gaar ahaan meelaha biyo fariisidka ah oo qashin badan isugu tago.

Goobjoog News