Maamulka Degmada Diinsoor Oo Sheegay In Ay Howlgal Ku Qabteen Rag Ka Tirsan Al-shabaab

Guddoomiyaha degmada Diinsor ee gobolka Baay Ibraahim Shigshigow oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey xaaladda degmadaasi iyo sidoo  kale howlgallo ay ciidanka Koonfur Galbeed ka sameeyeen degmada Diinsoor.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in ciidamada ay howlgalkaasi kusoo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay ku jiraan xabsiga degmada Diinsoor.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in maamulkooda isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, balse ma uusan sheegin magaca sarkaalkan iyo waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa.

“Ciidamada howlgalka waa ay xoojiyeen, waxay soo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale waxaa isa soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo hadda weli aan saxaafadda loo soobandhigin, laakiinse waxaan  idiin xaqiijinayaa in amniga degmada Diinsoor yahay mid aad u wanaagsan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xoojiyey maalmahan dambe howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW