U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Eyl Ee Gobalka Nugaal Oo Beeniyey In Al-shabaab La Wareegeen Deegaanno Ku Dhaw Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Eyl ee gobalka Nugaal ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab ay tageen deegaanno hoostaga degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Faysal Khaliif Wacay oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay jirtay oo kaliya cabsi ay qabaan dadka shacabka ah, islamarkaana ku saabsan in Al-shabaab ay yimaadaan Eyl iyo deegaannada kale ee ku dhaw maadaama dhul xeebeed ay halkaasi tahay.

Wuxuu tilmaamay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Badda ee maamulka Puntland iyo sidoo kale kuwa Booliiska kuwaa oo sheegay inay haddaba wadaan dhaqdhaqaayo amniga lagu sugayo.

“Shacabka ayaa qabay cabsi ah in deegaannada ay soo gaaraan nimanka Al-shabaab ah ee dhanka badda iyo barigaba ku socday, markii ay qabsadeen Garacad cabsi badan baa dadkii soo wajahday, laakiinse waxaan idiin xaqiijinayaa in aysan deegaannadeena soo gaarin, islamarkaana ciidanka amniga Puntland ay ku jiraan heegan buuxa” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Eyl.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii habeen kahor Al-shabaab ay dhanka badda kasoo galeen deegaanka Garacad ee gobalka Mudug, iyadoo la sheegay in shalay ay isaga soo baxeen deegaankaasi una soo ruqaansadeen dhanka gobalka Nugaal.

Goobjoog News