U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Galcad: Waxaan Dilnay 15 Ka Mid Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo uu sheegay in ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran xalay ku qaadeen fariisin ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Timir oo 15 KM u jira degmada Galcad.

Guddoomiyaha degmadaasi Khadar Maxamed Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaasi uu dhacay xilli saq dhexe islamarkaana ay ciidanka dowladda dileen 15 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Howlgalkaan waxaa fuliyay ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed kuwooda tababarka gaarka ah qaba, waxa uu dhacay abaare 11-kii habeennimo, waxay weerareen deegaanka Ceel Timir meel ay Al-shabaab ku lahaayeen fariisin, waxaan dilnay 15 nin oo Al-shabaab ah waxaana ku jira 3 ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-shabaab oo magac ku leh deegaannadaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Galcad inay hayaan dhammaan meydadkii dagaalyahannada Al-shabaab iyo hubkooda.

Deegaankii lagu dagaallamay ee Ceel Timir ayuu sheegay guddoomiyaha Galcad in hadda ay ku sugan yihiin ciidanka dowaldda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin weerarka Ceel Timir, hase ahaatee ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahan dambe gobollada dalka ka waday holwgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News