U bood dhigaalka

Maamulka degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud oo dhaliilay dowladda Federaalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Guriceel ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay sida ay uga gaabisay wax ka qabasho la’aanta dagaal beeleedyo ka taagan qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud.

Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Guriceel Cabdullaahi Sheekh Warsame Faarax oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in colaad ay ka soo cusboonaatay deegaano u dhaxeeya Guriceel, Balanballe iyo Xeraale.

Colaadaan ayaa u dhaxeysa dad reer miyi ah oo isku heysta dhul daaqsin iyo wixii la mid ah, waxaana mas’uulkaan uu sheegay in meeshana laga la yahay doorka dowladda Federaalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar wax laga weydiiyay, ka sokoow dowladda Soomaaliya, waxa ay ka maamul ahaan colaadaan ka qabanayaan ayuu sheegay in ay wadaan dadaallo ay ku hakinayaan dagaaladaan oo waxgaradka iyo masuuliyiinta labada dhinacba ah wadaan.

Deegaano ka mid ah gobalka Gal-gaduud, waxaa dhawaan dib uga soo cusboonaaday, dagaal beeleed u dhaxeeya beelo walaalo ah, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga aynu la yeelanaya Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Guriceel Cabdullaahi Sheekh Warsame Faarax.

Goobjoog News