U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Hobyo Ee Mudug Oo Sheegay In Ay Ka Qeybgali Doonaan Dib Usoo Celinta Soomaalida Yemen

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in kaalin xoogan ka qaadanayaan ololaha dib usoo celinta Soomaalida ku dhibban wadanka Yemen.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamuud Maxamed Cawaale ayaa u sheegay Goobjoog News, in ka maamul ahaan ay ku dadaalayaan in shacabkaasi ay wax u qabtaan, islamarkaana dib u dejintooda ay waajib ku tahay cid walba oo Soomaaliyeed.

“Anaga ka degmo ahaan waxaan rajeyneynaa in aynu isku tashanno oo kaalin ka qaadanno sidii walaalaheena wax ugu qaban lahayn” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhanka kale gudoomiyaha hobyo ayaa sheegay in xitaa ugu yaraan ay dhiibi doonaan dhul ballaaran oo la dejiyo dadkaasi, si shuruud la’aan ah.

Dalka Yemen waxaa ka socda dagaallo waxaana halkaasi ku dhiban shacab badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u baahan in gurmad degdeg ah lala gaaro si dalkooda dib loogu soo celiyo.

Goobjoog News