U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Hobyo Oo Farriin u Diray Qurbojoogta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Maamulka cusub ee magaalada Hobyo ayaa ka codsaday jaaliyadaha degmadaasi eek u sugan dalalka caalamka in ay maalgashi ku sameystaan degmada Hobyo.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi Axmed Cali oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in degmada ay u baahan tahay maalgashi isla markaana looga faa’iideysan karo ganacsiga.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in ay Jaaliyadaha dibadda ee degmada Hobyo ay ka codsanayaan inay maalgashi ku sameystaan si degmada ay u dhisanto, sdoo kalena sare ugu qaadmo ganacsigeeda

“Waxaan leeyahay Qurbajoogta kasoo jeedda Hobyo iyo guud ahaan Jaaliydaha imaada halkaan oo maalgashi ku sameysta degmada, isbedal badan baa jira, amniga buuxa baa ka jira degmada” ayuu yiri gudoomiyaha.

Degmada Hobyo ayaa ku burburtay dagaalladii Sokeeyay ee dalka ka dhacay, hase ahaatee waxaa xilligaan halkaasi ka soconaya dib u dhis ballaaran.

Goobjoog News