U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Hobyo Oo Sheegay Inay Furayaan Santuuq Dhaqaale Oo Lagu Dhiso Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Magaalada Hobya waa Magaalo Qadiimi ah waxaana ku yaalla dekadda Gobolka Mudug ,Magaca Hobyo ayaa macna ahaan u taagan “Ku soo dhowoow Biyo ” waxaa laga helaa Ceelal biyo  macaan oo ku teedsan hareeraha magaalada

Ceelashaasi biyaha macaan ayaa lagu tilmaamaa wax yaabaha ay la gaarka tahay magaalada taas ayaana sare u qaaday muhiimadda Hobyo muddo dheer aadna ay ugu tiirsanaayeen bad mareenada Caalamka oo biyaha iyo sahayda kale ka sii qaadan jiray

Guddoomiyaha Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali oo uun dhowaan loo magacaabay maamulka degmadaasi ,Guddoomiyaha oo marti ku ahaa Barnaamijka weydii ee Goobjoog Fm ayaa sheegay in Ahmiyad Juquraafi ,mid ganacsi iyo Taarikh ay leedahay magaalada Hobyo.

Guddoomiyaha aya ashegay in ay la mid tahay Hobyo magaalooyinka lagu tiriyo Kuwa ugu taariikhda weyn sida Warsheekh, Seeylac,Baraawe, iyo Bulxaax haddiiba aysan ka facweyneyn magaalooyinkaasi, waxa uu intaasi ku daray in beri ay saldhig u ahayd xadaaraddii Boqortooyadii Cali yuusuf

Cabdullaahi Axmed Cali Guddoomiyaha Hobyo ayaa sheegay in magaaladaasi taarikhda intaa la’eg hadda ay ka muuqanayaan dhibaatooyin badan oo soo maray oo ay ka mid tahay dagaallo sokeeye

Hobyo ayuu sheegay in ilo dhaqaale oo muhiim ah ay leedahay kuna filan dadka ku nool iyo kuwa la deriska ah ,magaalada ayuu sheegay Guddoomiyaha in ay leedahay xeeb kheeyraad illaahi ah uu dhex ceegaago

dhanka xoolaha ayuu sheegay in ay tahay magaalo ku wanaagsan xoolaha sida Ari’ Geel iyo Lo’ oo wax soo saar wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah leh buuxin kartana baahiyaha dadka ku nool mudug

Dhawaan waxaa booqday magaalda dekedda leh ee Hobyo wefdi Chinese ah oo booqasho indha indheeyn ah ku tegey Hobyo taas oo uu ku tilmaamay guddoomiyaha Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali in ay indhaha dalxiisayaal iyo maal gashayadaal yimaadaan

waxaa Sidoo kale booqday Hobyo madaxweynaha Galmdug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo wefdi uu hoggaaminayo oo uu sheegay guddoomiyaha Hobyo in madaxweyne Guuleed uu ku dhaawaaqay in dekedda ay furan tahay

“Magaada Ammaankeeda waxaa suga ciidamo Galmudug oo wefdiga Galmudug iyo kuwii ka horeeyay ammankooda xaqiijiyay …waxaan sii adkeeyn doonnaa ammaanka waxaana iska kaashanaya Ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanka ”

Guddoomiyaha ayaa sheegay inkastoo maamulkiisa maalmo uun keliya uu magacaaban yahay waxyaabaha ugu horeeya ee uu maamulkiisa xoogga saari doono ayuu ku tilmaamay in fursado shaqo ay u abuuri doonaan dhallinyarada si ay uga qeybqaataan horumarka degmada

“Magaalada malahan Iskuullo iyo Caafimaad waxaan si gaar ah xoogga u saari doonnaa wax yaabaha aasaasiga u ah aadanaha sida Caafimaadka,Waxbarashada iyo ammaanka “ayuu yiri Gudoomiyaha Hobyo

Waxa uu walaac xooggan ka muujiyay Guddoomiyaha ayaa ah waddooyinka degmada Hobyo soo gala oo aad u burbursan kuwaa oo waqti dheer ku qaata qofka doonaya in uu safar kaga baxo Hobyo ama uu ku soo galo taas ayuuna ballanqaaday in ay wax ka qaban doonaan

Waxyaabaha uu kaga hadlay barnaamijka Guddoomiyaha waxaa ka mid ah in dagaaladii saameynta ku yeeshay magaalda ay keyntay in dadkii u dhashay Hobyo ay isaga Cararaan kuwaa oo ku nool magaalooyin kale oo dalka iyo dibedda ah

Guddoomiyaha Hobyo ayaa sheegay in waxqabad uu la imaan doono isaga oo kaashanaya maamulka degmada iyo dhammaan dadka ka soo jeeda Galmudug gaar ahaan Hobyo  waxaan dhawaan furi doonaa sanduuq dhaqaale oo dib u dhis loogu sameeynayo Hobyo oo aan rajeeynayo in dadka u dhashay deegaanka ay ka qeybqaadan doonaan”

Ugu dambeeyntii Guddoomiye Cabdullaahi Axmed Cali ayaa sheegay in uu kulamo la qaadan doono dhallinyarada ,wax garadka ,aqoon yahanada iyo dhammaan Bulshada oo uu sheegay in uu dhageysan doono talooyinkooda .

waxa uu ugu baaqay dhammaan bushada ku nool galmudug iyo kuwa dibadda jooga ee Ka soo jeeda Hobyo in eey u istaagaan “Hobyo waxa eey wax ku noqon kartaa dadaalkiina ee u istaaga horumarinta Hobyo”

Kaasi waxa uu ahaa Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali oo Marti Ku ahaa Barnaamijak “Weeydii ” ee Khamiis walba 10:10 am ka baxa GoobjoogFM .

W/D:Aweys Xasan Maxamed (Aweys Codey)