U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Jowhar Oo Ammar Ku Bixiyay In La Burburiyo Dhismooyinka Sharci Darrada Ee Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe waxa ay ammar ku bixiyeen in gabi ahaanba la burburiyo dhismayaasha sharci darrada ah ee ku yaalla degmadaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdiqaadir Cabdulle Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay tageen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Jowhar ayna soo calaamadeeyeen dhisme walba oo si sharci darro ah wadada ugu yaalla.

“Waxaan calaamadeenay dhammaan guryaha ku yaalla wadooyinka degmada Jowhar dib ayaan u fureynaa wadooyinka ciriiriga ah, waxaan ku dadaaleynaa in Jowhar ay noqoto meel aad u qurxoon, waxaan wadnaa qorshe walba oo bilicda magaalada dib loogu soo celinayo” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi inay la shaqeeyaan maamulka ayna u hogaansamaan awaamiirta dib loogu soo celinayo bilicda magaaladaasi.

Degmada Jowhar ayaa la filayaa dhawaan in lagu qabto shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana degmadaasi ka soconaya diyaar garow ballaaran.

Goobjoog News