U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Jowhar Oo Ku Howlan Xalinta Dagaal Beeleed Ka Dhacay Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Jowhar ayaa ku guda jira xalinta dagaal beeleed dhawaan ka dhacay deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe, kuwaa oo u dhaxeeyay beello walaalo ah.

Gudoomiyaha magaaladaasi Cabdiqaadir Cali Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta xalka raadinaysan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay doonayaan sidii nabad waarta loo heli lahaa.

Waxa uu gudoomiyaha Rajo wanaagsan ka muujiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo gabagabeeyo xiisadda jirta, dadka dagaallamayna nabadda ay wada qaataan.

“Waa lagu wada baxay sidii loo dejin lahaa xiisadda, waxaana hadda qabnaa rajo wanaagsan oo ah in wax walba xal waara laga gaaro” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Deegaano hoostaga degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha dhexe iyo deegaano kale oo gobalka ka mid ah waxaa horay uga dhacay dagaal beeleed khasaare sababay.

Goobjoog News