U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Jowhar Oo Sheegay In Tallaab Adag Ka Qaadayaan Cid Walba Oo Ku Howlan Beerashada Maandooriyaha Xashiiska

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jowhar ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay billaabeen howlgal ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku ciribtiraan maandooriyaha xashiiska, islamarkaana tallaab adag ay ka qaadi doonaan cid walba oo ku howlan beerashada maandooriyahaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdulqaadi Cabdulle Buur-fuule oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Jowhar ay ammar ku qabaan in ay habeen iyo maalin baadigoobaan dadka ku howlan beerista iyo iibinta Xashiiska.

“Beeraha waa in looga faa’ideystaa dhanka wanaagga, looma dulqaadan doono dadka beeraya Xashiiska, maamulka ammar buu horay taasi uga soo saaray, digniin badan baa la siiyay, hadii ay taasi qaadan waayaan tallaabo sharciga waafaqsan ayaa la marsiin doonaa” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Jowhar

Dhinaca kale Gudoomiye Buur-fuulle ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka ku dhaqan degmada Jowhar inay la shaqeeyaan maamulka si loo helo dadka caadeystay beerista Xashiiska.

Ciidamada Booliiska magaalada Jowhar ayaa howlgal magaaladaasi iyo nawaaxigeeda ka sameeyeen waxay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan rag badan oo la sheegay in ay ka ganacsanayeen maandooriyaha Xashiiska, qaarkoodna ay ku howlanaayeen beeristooda.

Goobjoog News