U bood dhigaalka

Maamulka degmada Kaxda oo eedeyn kulul u jeediyay booliska SHabeellaha dhexe

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo hadal ka jeedinaya munaasaadii lagu magacaabay
Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo hadal ka jeedinaya munaasaadii lagu magacaabay

Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa taliska booliska gobolka SHabeellaha dhexe ku eedeeyay dhul boob rag hubeysan ay ka wadaan degmadaasi.

Cabdi Kaamil Shukri Macalin Xasan oo ah guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa isaga oo u waramayay Goobjoog FM waxa uu sheegay in uu baaritaan ku sameeyay rag hubeysan oo dhul boob ka wada degmada Kaxda isla markaasina jir dil u geystay shacabkii daganaa guryaha ku yaalla degmada Kaxda ee Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamadaasi ay ka mid ahaayeen ciidamada booliska ee gobolka SHabeellaha dhexe gaar ahaan qeybta birmadka oo uu hogaamiyo Xasan dhicisoow kaas oo uu tilmaamay in uu ka mid yahay saraakiisha ciidamada booliska gobolkaasi.

Cabdi Kaamil Shukri, guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa intaasi raaciyay in ragan ay isaga u sheegeen in ay bur burinayaan guryaha ku yaalla ku dhowaad kun boos oo ku yaalla degmadaasi.

Degmada Kaxda ayaa ah degmadii u dambeysay ee ku soo biirta gobolka Banaadir, waxaana degmo ahaan u aqoonsaday madaxwaynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Kaamil Shukri Macalin Xasan: