U bood dhigaalka

Maamulka degmada Kaxda oo faahfaahin ka bixiyay haweeney lagu dilay degmada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kaxda ayaa faahfaahin ka bixiyay haweeney la sheegay in uu dilay saygeeda oo ku nooleyd degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Cabdi Kaamil oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in aysan si dhab ah uga war hayn dhacdadan haseyeeshee loo badinayo in gabadhaasi uu dilay ninkeeda oo markii ugu dambeysay telefoonka ay ku wada hadleen.

Cabdi Kaamil ayaa tilmaamay in ay wadaan baaritaano ku aadan halka uu ku suganyahay ninka falkan geystay iyo cida rasmiga ah ee dhacdada lugta ku leh.

Haweeneyda meydkeeda la helay ayaa muuqata in lagu dilay ceeji.

Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamed Cabdullaahi uu la yeeshay guddoomiyaha: