U bood dhigaalka

Dib u Dejin Loo Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Dadkii Kasoo Laabtay Yemen

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u dejin u sameeyeen qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee dhawaan kasoo cararay dagaallada ka socda Yemen, una baahan yihiin dadkaasi gurmad deg deg ah.

Cabdikaamil Macalin Shurkri oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay dib u dejin u sameeyeen in ka badan 400 oo qoys, kuwaa oo dalka kusoo laabtay, ka dib dagaallo ka dhacay Yemen oo ay ku noolaayeen.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha sidoo kale in ay jiraan shacab is xil qaamay oo dadkaasi gurmad u fidiyay, balse aanu ahayn mid dadka ku wada filan.

“Shacabkii ka yimid Yemen waxaan u sameenay dib u dejin, waxay ka badan yihiin 400 oo qoys, kaalmooyin yar yar oo dadkaasi lasoo gaarsiiyay waa ay jiraan balse ma badna, hase ahaatee waxaan dalbaneenaa in lasoo caawiyo walaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Kaxda.

Tan iyo markii dalka Yemen ay ka bilawdeen dagaallo waxaa dalka dib ugu soo laabanayay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo naftooda kala soo baxsaday wadankaasi.

Goobjoog News