U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Kuntu-waareey Ee Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay In Aanu Jirin Goobo Caafimaad Oo Dadka Lagu Daweeyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kuntu-waareey ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in xaalad caafimaad darro ay ka jirto degmadaasi, iyadoona aanay jirin Isbitaalo dadka lagu daweeyo.

Cabdiraxmaan Sabtoow oo ah gudoomiyaha degmadaasi oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in xilligaan qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Kuntu-waareey ay yihiin kuwo xanuunsanaya.

“Cuduro shubanka ka mid ah ayaa jira, ma lahan goobo caafimaad, Isbitaal dhan kuma yaala degmada, iyadoo sidoo kale ay jiraan biyo la’aan baahsan”

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in Ibitaalo ay ku yaali jireen degmadaasi, hase ahaatee aan la dayactirin ilaa iyo haatan wixii ka dambeeyay bur burka dowladii dhexe ee dalka.

Ugu dabeyn gudoomiyaha degmada Kuntu-waareey ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka in ay wax ka qabtaan arimahaan caafimaad darri ee ka jira degmadaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News