U bood dhigaalka

Maamulka degmada Kuntunwaarey oo ka war bixiyey howl-gallo ay dad ku soo qab-qabteen

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kuntunwaarey ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay inay baaritaanno ku hayaan dad uu sheegay inay ku soo qab-qabteen howlgallo degmadaasi ay ka sameeyeen.

Guddoomiyaha Kuntunwaarey C/raxmaan Sabtow ayaa sheegay in maalmahaan ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka degmada KUntunwaarey, iyadoo lagu soo qab-qabtay dad badan kuwaas oo uu sheegay in hadda baritaano ay ku socdaan.

C/raxmaan Sabtow ayaa intaasi raaciyey in ciddii lagu waayaa wax dambi ah lagu waayo xoriyadeeda lasiin doono.

Adeegyada bulshada ayuu guddoomiyaha sheegay inay sidii loo baahnaa ay u shaqeynayaan degmada Kuntuwaarey.

Shan maalin ka hor, Ciidamada is-bahaysanaya ayaa dagaal la’aan kula wareegay magaalada Kuntuwaarey oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose.

Hawlgalka al-Shabaab looga saarayo magaaloyinka dhaca Badweynta Hindiya ayaa loogu magic-daray Operation Indian Ocean, waxaana ka qaybqaadanaya kumaankun ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.