U bood dhigaalka

Maamulka degmada Kunturwaareey oo ka hadlay ammaanka degmada

Sheeko:Dalka
Dad wayne ku sugan Kunturwaareey kadib qabsashada ciidamada huwanta
Dad wayne ku sugan Kunturwaareey kadib qabsashada ciidamada huwanta

Maamulka degmada  Kunturwaareey ee gobolka SHabeellaha hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku guulaysteen ka hor tagista falal ammaanka liddi ku ah oo ka dhici lahaa deegaanka.

Guddoomiyaha Kunturwaareey mudane Cabdiraxmaan Sabdoow ayaa sheegay in ciidamada is garabsanaya ay sii xoojin doonaan howl gallada lagu adkaynayo ammaanka.

Waxa uu carabka ku dhuftay guddoomiyaha in howl galkooda ay ku soo qabteen sida uu warka u dhigay dad lagu tuhmayo in xarakada Al-Shabaab ay ku lug leeyihiin.

Degmada Kunturwaareey ayaa ah degmadii u dambeysay ee ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen.

Hoos ka dhageyso codka Cabdiraxmaan Sabdoow: