U bood dhigaalka

Maamulka degmada Luuq oo beeniyay in hakad uu galay howlihii shaqo ee Garoonka degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar maalmahaan dambe sheegayay in uu hakad galay howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmadaasi Bishaar Aadan Cabdikariin Af-jabey ahna ku simaha guddoomiyaha, ayaa meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka gobalka Gedo iyo kan degmada Luuq oo sababay inuu xirmo garoonkii diyaaradaha Luuq.

Waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo la been abuuray, islamarkaana garoonka uu yahay mid shaqeynaya, cid walbana ay ogaan karto arintaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka ayaa faah faahin ka bixiyay dib u dejin loo sameynayo qoysaska qaxootiga ee ku nool xeryaha Kenya kuwaa oo Soomaaliya dib loogu soo celinayo iyo qaabka ay dadka u dejinayaan.

Rajo weyn ayuu sheegay in laga qabo in dib ay usoo laabtaan qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha qaxootiga Kenya degan, waxaana uu sheegay in loo diyaariyay meelihii ay degi lahaayeen.

Halkaan hoose ka dhageysi

Goobjoog News