U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Mahadaay Oo Baaraya Qaraxii Ka Dhacay Duleedka Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan qarax Miino oo shalay ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmadaasi Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen Laba qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Seddax kale.

Waxa uu tilmaamay in dadka dhintay uu ku jiray taliyaha ururka Seddaxaad ee ciidanka Xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabayay Cali Xasan Guure, isaga oo sheegay in qaraxa uu ahaa midka meelaha fog laga hago.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay wadaan baaritaan xooggan, kaasi oo lagu ogaanayo cidda weerarkaasi soo abaabushay.

“Waa markii Labaad oo deegaankaasi qarax la geliyo, hade dalka oo dhan ayuu qaraxa ka dhacaa, balse annagu waxaan wadnaa baaritaan aan ku ogaaneyno cidda sida rasmiga ah qaraxaasi uga dambeysay iyo qaabka loo soo abaabulay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxii shalay ka dhacay duleedka degmada Mahadaay kadib waxay sameeyeen howlgal aanay jirin cid lagu soo qabtay.

Goobjoog News