U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Mahadaay Oo Raadinaya Shaqsi Dil Ka Geystay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in baadi goob ay ugu jiraan shaqsi ay sheegeen in qof shacab ah uu ku dilay degmadaasi, kaa oo halkaasi ka baxsaday.

Xaaji Saalax Fuleyn oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka Mahadaay ayaa isaga oo u waramay Goobjoog waxa uu sheegay in shacabka iyo ciidamada ay si aad ah u baadi goobayaan ninkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in reerka uu ka dhashay ninka wax dilay, iyo maamulka degmada isla garteen in lasoo qabto ninkaasi, islamarkaana maxkamad lasoo taago.

“Gacan ku dhiiglaha Seddax maalin kahor ayuu dilkaasi geystay, waxaa socda baadi goob, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loo soo qaban doonaa, ninka wax dilay iyo sidoo kale kan la dilay waxa ay ka dhasheen beello walaalo ah oo waligood dagaallamin” ayuu yiri Xaaji Saalax.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay shacabka degmadaasi ku dhaqan in ay kaalin ka qaataan soo qabashada gacan ku dhiiglahaasi.

Goobjoog News