U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Mahadaay Oo Sheegay Inay Wadaan Diyaar Garowga Dagaallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay inay wadaan diyaar garow ku aadan dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab oo ku sugan deegaanno ka mid ah degmadaasi.

Axmed Xuseen Afrax oo ah gudoomiyaha degmadaasi oo la hadlay Goobjoog Fm ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay qaadi doonaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in degmadaasi ay u kala qeybsan tahay Labo qeyb oo uu tilmaamay in qeyb ka mid ah amnigeedu sugan yahay halka qeybta kalena ay jiraan tuhunno Al-shabaab ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale waxa uu gudoomiyaha ku baaqay in gurmad bini’aadannimo lala gaaro deegaanno ku dhow degmada Mahadaay oo dhawaan Al-shabaab laga saaray.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa maalmahan dambe waxay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana ay la wareegeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News